Axmed Madoobe oo Amar siiyay laamaha amniga Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa laamaha ammaanka Maamulkaasi wuxuu faray  inay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan qarax shalay galab casir liiqii ka dhacay maqaayad ku taal Magaalada Kismaayo.

Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay maqaayad ku taal Magaalada Kismaayo dhinaceeda, ayaa waxaa ku dhintay dhawr qof halka ay ku dhaawacmeen tiro dad gaaraya 20 ruux.

Axmed Madoobe oo ka hadlay qaraxaasi, ayaa faray laamaha ammaanka Jubbaland inay qaadaan tallaabooyin baaritaan dheeri ah loogu sameynaayo qaraxaasi.

“Madaxweynahu wuxuu Hay’addaha ammaanka farayaa in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen isla markana jawaab deg deg ah loo helo falka dhacay.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisa aysan kala soocin shacab iyo xubnaha u shaqeeya Dowladda.

“argagixisadu ma kala jecla shacabka iyo dadka Dowlada u shaqeeya waxa la inaga doonayaa waa in aan u midowno sidii aan isaga qaban lahayn kuwa maalin walba shacabkeena dilaya.” Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media