Australia: Diyaaradaha Rakaabka ee sida tooska uga soo duula Qatar iyo Imaaraadka oo aad loo baarayo.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasiirka Gaadiidka ee dalkaasi, Darren Chester ayaa sheegay inuu Sharcigan cusub u eg yahay Tallaabooyinka Ammaanka ee ay Maraykanka iyo Britain horey u soo rogeen, wuxuuna xusay inaan Sharciga lagu mamnuucin in Diyaaradaha lala raaci karo qalabka Elektoroonikadda.

Sharciga Australia waxa uu si toos h u saamayn doonaan Rakaabka Duullimaadyadda Tooska ka soo raaca dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar.

Sidoo kale, Shirkadaha Diyaaradaha ee ay saamaynta ku yeelan doono Sharciga cusub ee Australia ayaa kala ah Shirkadaha Diyaaradaha Australia ee Qantas, Etihad, Emirates iyo Qatar Airways.

 

©Radio Dalsan