Australia: Arday Somali oo ka hadlay falkii loogu diiday inay galaan Bakhaarka Shirkadda Apple.

 

Abdulahi Haji Ali,Lix dhallinyarro u kala dhalatay dalalka Somalia iyo Sudan ayaa waxay fal-xumo iyo cunsuriyad kala kulmeen mid ka mid ah Ilaaladda Xarunta Shirkadda Apple inc. ku leedahay magaalladda Melbourne ee Koonfurta dalka Australia.

Waardiye waxa uu Ardaydaasi u diiday inay gudaha u galaan Bakhaarka Apple Storre, isagoo ku sheegay inay doonayaan inay wax ka xadaan Macaamiisha ku jirtay gudaha Xaruntaasi.

somali and Sudan StudentsMuuqaal laga duubay Dhacdadaasi laguna faafiyey Facebook iyo Twitterka ayaa waxaa laga dheehan karaa Ilaaliyaha oo haraantinayo qaar ka mid ah Ardayda uu ka hor-joogsaday inay galaan Xaruntaasi.

Mid ka mid ah Wiilashaasi oo u dhashay Somalia, laguna magacaabo Abdullahi Hagi Ali ayaa sheegay inuu argagaxay, kadib, markii laga codsaday inay isaga tagaan Dukaanka Apple ee Melbourne.

Isagoo la hadlayey Idaacadda iyo Tv-ga SBS ee dalka Australia , waxa uu tilmaamay isla markii uu falkaasi dhacay inuu shoog dareemay, oo uu rumeysan waayey qaabka lagula kacay.

“Ma rumeysanayn inuu shaqaale igu oranayo sidaas, waxaan u qaatay inaan ku jiro Riyo-maalmeed” ayuu yiri Abdullahi Hagi Ali.

Waxa kaloo uu u sheegay SBS News inuusan shilkaasi waxba ka beddeli doonin Aragtida uu ka qabo Shirkadda Apple.

TIM COOK

Madaxa Fulinta ee Shirkadda Teknoolajiyadda ee AppLe, Tim Cook waxa uu Qoraal raalli-gelin ah soo dhigay Websaytkiisa, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay inaan dadka la hayb-soocin marka ay booqanayaan Xarumaha Ganacsiga ee Shirkka Apple.somali and sudan 3

Dhinaca kale, Madaxa Guud ee Maribyrnong College, Nick Scott oo ah Maamulka Dugsiga ay dhigtaan Ardayda Soomaalida iyo Sudanese ee la xumeeyey waxa uu u Ardaydii u soo raacay Apple Store, si ay raalli-gelin uga bixiyaan gefka ay Ardayda ka galeen.

Nick Scott waxa uu u sheegay SBS News in Madixii Bakhaarka Apple Store uu raalli-geliyey Ardaydii, una sheegay in mar kasta lagu soo dhaweynayo Bakhaarka  Shirkadda Apple.

© Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor