ASWJ oo sheegay inay xubno ka tirsan Alshabaab iyo Cuqaasha Dagaalka ka mid noqdeen Barlamaanka Cusub.

War-saxaafadeed ay soo saareen ASWJ oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey Xafiiska Warqabadka ee Radio Dalsan ayaa lagu sheegay inay jeclaan lahaayeen in la aqoonsado Taageeradda joogtada ee sii socota ee ay Maraykanka, Britain, QM, Midowga Afrika, Midowga Europe, IGAD iyo Saaxiibadda kale ee Caalamiga u fidiyaan Somalia iyo Dadka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka waxa lagu xusay inay nasiib-xumo tahay in dadaalkaasi ay wiiqday awood la’aanta Dowladda Somalia ee haatan jirta, taasi oo ku guul-daraysatay in xiriir micno leh la yeeshaan ASWJ, si loogu daro Geeddi-socodka Siyaasadda Somalia, gaar ahaan Doorashadda 2016-ka.

ASWJ waxay qirayaan dhamaan Heshiiska iyo qaar ka mid ah Saaxiibadda Istaraatijiyada ee ku heshiiyey sidii loo taageeri lahaa soo-celintga Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay ASWJ aad uga walaacsan tahay inaysan Dowladda Federalka ee haatan jirta niyad u haynin in la xaqiijiyo Heshiisyadda Wadajirka iyo in si dhow indhaha loogu hayo Ammaanka, Wadaagista Kheyraadka, Awood-qeybsiga, Maamul-wanaagga iyo Ballan-qaadka Isku-dhafka Ciiddamadda.

War-saxaafadeedka ASWJ waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday Musuqa hareeyey Doorashadda Somalia ee sannadka 2016-ka, waxaana la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Dam Jadiid awood kula wareegeen Nidaamka Doorashadda, isla markjaana ay Saaxiibadda Beesha Caalamka ka wada dheregsan yihiin arrintaasi.

“Warbaahinta Gudaha iyo kuwa Caalamiga ayaa si ballaaran u sheegay in Dowladda haatan jirta carqaladaysay Doorashadda , isla markaana la arki karo caddaymaha arrimahaasi” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka ASJ oo ka taliya qeybo ka mid ah Goballadda Dhexe ee dalka.

War-saxaafadeedka ASJ waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday in xubno ka tirsan Alshabaab iyo Dagaal-oogayaal ka kala yimid Goballadda oo dhan loo soo xulay inay xubno ka noqdaan Barlamaanka, waa sida lagu xusay War-saxaafadeedkaasi.

Qoraalka ASJ waxa kaloo lagu muujiyey inay ku war-geliyeen Beesha Caalamka khatarta ka imaan karta xubnaha ku biiray Barlamaanka cusub, balse aysan Beesha Caalamka weli qaadin wax tallaabo ah.

Dhinaca kale, War-saxaadaeedka ASJ ayaa lagu shaaciyey in musuqii ugu ballaarnaa uu hareeyey Doorashaddan oo noqotay Doorashadii ugu xumayd ee soo marta dalka Somalia iyo in Kuraasta Barlamaanka lagu kala iibsanayey lacag u dhexeysa 70,000 oo Dollar ilaa 1,750,000 oo Dollar.

Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ASWJ waxaa lagu soo bandhigay in xubnihii ASWJ ee Labada Aqal ee Barlamaanka noqdeen kuwo la diiday ama kuwo ay boobeen Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa, isla markaana ay taasi caddayn buuxda u tahay in lagu xadgudbay Heshiisyadii lagu gaaray Nairobi, Addis Abeba, Mogadishu, Garowe1 iyo 2.

ASWJ waxay sheegeen inay hayaan warbixino muujinaya in Kuraastaasi lagu abaal mariyey Alshabaab iyo xubnaha Dam Jadiid ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa ku sugan dhamaan Goballadda.

ASWJ waxay ku goodisay inaysan aqoonsan doonin wax kasta oo ka soo baxa Dowladaasi, waxayna Beesha Caalamka ugu baaqeen inay Dowladda Federalka cadaadis ku saaraan sidii loo joojin lahaa dhamaan Kuraasta uu muranka ka taagan yahay iyo in la baaro Musuqa, cabsi-gelinta iyo Khalkhal-gelinta iyo Dagaal-oogayaashii hore ee xubnaha ka noqday Barlamaanka soo socda.

ASWJ  waxay ugu baaqeen Beesha Caalamka, gaar ahaan QM inay si degdeg ah u keenaan Guddi Caalami oo Kormeera Doorashadda  Somalia.

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor