Askartii Maraykanka ee lagu dhaawacay Dagaalkii Alshabaab oo Daaweyn loogu qaaday Kenya.

Afartii Askar ee ka tirsanaa Ciiddanka Khaaska ee lagu dhaawacay dagaalkii ay Alshabaab kula galeen Deegaanka Baar Sanguuni ee J/hoose ayaa la sheegay in loo duuliyey caasimadda Kenya ee Nairobi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay Askartaasi daaweynaya Koox Caafimaad oo ka tirsan Safaaradda Maraykanka ku leedahay Kenya.

Askartaasi ayaa la qorsheynayaa in loo duuliyo dalka Maraykanka ama Xarunta Dhexe ee AFRICOM oo ku taalla magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka, si ay uga helaan Daaweyn Dhamaystiran.

Lama shaacinin magacyadooda iyo qaabka uu yahay dhaawacyada soo gaaray midnaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media