Askarta Dowladda South Sudan oo lagu eedeeyey inay dad rayid ah dileen.

Boqolaal Qaxooti oo ka cararayo dagaalladda ayaa la sheegay inay u baxsadeen Uganda, kadib, markii ay Ciiddanka Dowladda soo weerareen Degmadda Pajok oo u dhow xuduudka Uganda.

Ugu yaraan 17-qof ayaa lagu dilay weerrkaasi, iyadoo qaar la toogtay, halka kuwo kalena la gawracay, sida ay Ddka Qxootiga u sheegeen Wakaalladda Wararka REUTERS.

Ku-xigeenka Afhayeenka Milliteriga Dowladda South Sudan, Kolonel Snto Domik Jool  ayaa sheegay inay Hawlgal ka fuliyeen Degmdda Pajok oo 15 KM dhank Wqooyi kga toosan xuduudka Uganda, si ay Fallaagadda uga saaraan Degmadaasi oo ay ku nool yihiin in ka badan 10,000 oo qof.

Sarkaalka waxa uu iska fogeeyey Eedeymaha lagu sheegay  inay Ciiddanka Dowladda dad rayid ah ku dileen Hawlgalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media