Askarigii Maraykanka ee sheegtay inuu dilay Osama Bin Ladin oo la xiray.

Askarigaasi oo  lagu magacaabo kana Robert O’Neil kana tirsanaan jirey Ciiddanka Tababaran ee Mariniska Maraykanka ayaa la sheegay in shalay lagu xiray  magaalladda Montana, kadib, markii ay Boliska qabteen isagoo sarqaansan oo dhinac jiifa Gaarigaasi.

O’Neil waxa uu beeniyey inuu cabsan yahay, balse waxa uu Boliska u sheegay inuu isticmaalay Daawo ka caawisa inuu hurdo, wuxuuna diiday in dhiigiisa laga baaro inuu cabsan yahay iyo in kale.

Boliska wey sii daayeen O’Neil, kadib, markii uu bixiyey lacag debaaji ah oo dhan 685 Dollar, waana markii ugu horreysay ee Askarigaasi la xiro.

Ninkaasi waxa uu Ciiddanka Badda Maraykanka ku biiray sannadkii 1995-kii, wuxuuna ka qeyb qaatay Hawlgalkii 2009-kii lagu soo badbaadiyey Kabtankii Markab Ganacsi oo ay Maraykanka leeyihiin oo lagu afduubtay Xeebaha Somalia.

Afduubkaasi waxaa markii dambe laga sameeyey Filimka caanka baxay ee Captain Phillips.

Robert O’Neill2©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor