Askari Xaaskiisa ku dilay Kismaayo oo ka soo Muuqday Maxkamada Ciidamada

Xeer ilaalinta Maxkamada Darajada Koowaad  Ciidamada  Qalabka sida Maamulka Jubbaland ayaa ayaa gudbisay dacwad ka dhan ah Askari ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo Xaaskiisa dhawaan ku dilay Magalada Kismaayo kaas oo lagu Magacaabo C/llaahi Asad Ismaaciil.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland Mowliid Axmed Yaasiin  ayaa sheegay in dacwadaas ay ka gudbiyeen Eedeysane C/llaahi Asad Ismaaciil oo xilli habeen ah 14-Kii Bishan uu Xaafada Calanleey uu dil ugu geystay Xaaskiisa Muxubo Maxamed Guure.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ee Jubaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa Maxkamada ka sheegay in Qareenada eedaha ku soo oogay Askariga dilka geystay aysan maxkamada hor keenin Cadeymo dhameystiran si danbigiisa loogu qaado.

Waxa uu sheegay in Maxkamada dib la isugu soo laabanayo 15-Ka Bisha soo Soocta ee May, markaas oo la doonayo in la soo bandhigo Cadeymaha buuxa ee laga hayo C/llaahi Aasad Ismaaciil oo ah 28 Sano jirka dilay Xaaskiisa.

Dhageysiga Dacwada Eedeysanaha ayaa waxaa Goob Joog ka ahaa Ehelada Marxuumada la dilay, Iyagoo walaac ka muujiyay in la sii daayo Ninka dilka geystay oo hada ku jira gacanta Ciidamada amaanka ee Maamulka Jubaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media