Askari Soomaali Mareykan ah oo Loo heesto Dil

Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii lagu dilay magaalada Minneapolis.

Sarkaalka dilka geystay, ayaa magaciisa warbaahintu ku sheegtay Maxamed Nuur, oo asalkiisu Soomaali yahay, ciidanka booliiska magaalada Minneapolis-naku soobiiray sanadkii 2015kii.

Askarigan ayaa shaqadii laga fariisiyay waxaana la sheegay in saraakiisha dambi baarista ay baarayaan sida uu u dhacay falkan. Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska magaalada Minneapolis tan iyo sanadkii 2015kii,waxana uu haystaa shahaadooyinka dhinaca maamulka ganacsiga iyo dhaqaalaha isagoo ka qalin jebiyay Augsburg College.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Nuur iyo askari kale oo la socday ay u soo gurmadeen haweeneydan u dhalatay dalka Australia balse haatan qorsheyneysay in ay ku noolaato dalka Maraykanka iyadoo xiriir uu ka dhexeeyay muwaadin Maraykan ah kadib markii ay u yeeratay booliska maadaama ay cabsi dareentay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media