Askari Kenyan ka badbaaday weerarkii Alshabaab ee Ceel-cadde oo lagu dilay gurigiisa

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Kenya ayaa qoray in la dilay Askari ka tirsanaa kuwii ka soo baxsaday Duullaankii Alshabaab ee ay bishan 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Stanley Kipolomi ayaa la sheegay inuu Duhurnimaddii maalintii Isniinta dib ugu laabtay gurigiisa oo ku yaalla Deegaanka Kabarnet ee Gobalka Waqooyiga Rift Valley ee Kenya (The Northern Rift Valley region of Kenya).

Wargeyska waxa uu qoray in ay dadka Deegaanka ka heleen maydka Askariga bannaanka gurigiisa, isagoo dhaawac ka qaba qoorta, isla markaana aad u dhiig baxay.

Boliska Deegaanka Kabernet ayaa soo gaaray goobta, waxayna xireen Nancy Kandagor oo ahayd Xaaska u dhixi jirtey Askariga la dilay, si wax looga weydiiyo dhacdadaasi.

Dhinaca kale, Askariga la dilay ee la oran jirey Stanley Kipolomi waxa uu ka mid ahaa Askarta Kenyaanka ee Somalia loo daad-gureeyey  bishii December ee sannadkii 2014-kii, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu bishan Janaayo dib ugu laabto Kenya, kadib, markii uu soo dhamaystay hal sanno oo uu ka hawlgalayey gudaha dalka Somalia.

Ma cadda cidda ka dambaysay dilkiisa iyo Ujeedada loo dilay midnaba, inkastoo la sheegay inay Xaaskiisa isku buuqeen, albaabkana ka xiratay, ka hor inta aan la dilin.

Ku-simaha Taliyaha Boliska Kabarnet, Wilfred Mwangi  oo booqday goobta lagu dilay Askariga ayaa diiday inuu Saxaafadda la hadlo.

Maydka Ninkaasi ayaa la sheegay in lagu hayo qeybta Qaboojiyayaasha Maydadka ee Isbitaalka Baringo.

©Radio Dalsan           

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor