Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo goordhow lagu dilay Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Goordhow waxa ay Isgoyska Baar Ubax ku toogteen askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in raga hubeysan ay dhowr xabadood madaxa kaga dhufteen Askari ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya xili uu ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax.

Raggii ka dambeeyay dilka ayaa Goobta ka baxsaday,waxana hadda Goobta gaaray oo baaritaano ka wada Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya in kastoo weli aysan jirin cid ay u qabteen dilkaas.

Dilalka qorsheysan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay ku soo kordhayeen Magaalada Muqdisho,iyada ilaa iyo hadda Ciidamada Amniga oo xaafadaha qaar howlgallo ka wada aysan ku guuleysan qabashada dadka dilalka ka geysta Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media