Askari horay loo dhaawacay oo lagu dilay M/Muqdisho

Gabaldhicii Caawa ayaa Kooxo ku hubeysnaa bustoolado waxa ay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda ku dileen Xaafad ka mid ah Degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.

Askarigaan oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Sheekh Muxudiin ayaa xiliga la dilayay waxa uu ku sugnaa afaafka hore ee Gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Waaxda Octoobor oo u dhow Buundada degmada Waaberi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay sheegay in Askarigaan oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga horay loogu dhaawacay Xaafadaas isla markaana uu ahaa Naafo ugu dambeyna Caawa Maqribkii la toogtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa gaaray Goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo sameeyay howlgal ay dad ku qabqabteen,welina dilkaas Maamulka degmada Waaberi kama hadlin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media