Askar Ugandese Oo lagu soo oogay inay Dukumentiyo la been abuuray uga hawlgaleen AMISOM.

Fadeexad aan weli horey loo arkin ayaa waxay hareeysay Ciiddanka Uganda, gaar ahaan kuwa loo soo diro Hawlgalka AMISOM, kadib, markii la sheegay in qaab musuq lagu soo qoro Ciiddankaasi.

In ka badan kun Askari oo Ugandese ah ayaa waxaa lagu soo oogay inay samaysteen Shahaadooyin Akadeemik oo la been abuuray, si ay mushaar fiican uga helaan Ciiddanka.

Waxaa la sheegay in Askarta loo soo qorayo Hawlgalka AMISOM in lagu soo xusho hadba kuwii Laaluush bixiya, iyadoo Milliteriga Uganda u arkaan Hawlgalka AMISOM mid ay ku taajiraan haddii ay Hal sanno ka soo shaqeeyaan Hawlgalka AMISOM.

Dhamaan Ciiddamadda ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa rumeysan inuu Hawlgalka AMISOM u yahay Il u irmaan oo ay kaga baxeen Mushaar yaridii ku haysatay dalalkooda.

Fadeexadda Dacwadda haatan ka dhex taagan Milliteriga Uganda ayaa la sheegay inay tahay Dacwadii ugu horreysay Taariikha Ciiddanka Difaaca Dadka Uganda ee UPDF.

Afhayeenka Ciiddanka Dhulka Uganda, Gaashaanle Stanley Malisaba ayaa sheegay inay Dacwadda mar hore ka bilaabantay qeybo ka tirsan Talisyadda Ciiddanka iyo Xerooyinka Bombo iyo Makindaye.

Bilowgii sannadkan, Agaasinka Ciiddanka Uganda ayaa sheegay inay baareen ku-dhawaad 1,500 Askari oo ku hawlgali jirey Dukumentiyo La-been abuuray.

Afhayeenka Guud ee Ciiddanka Uganda, Gaashaanle-sare Paddy Ankunda ayaa sheegay inuu Baaritaanku yahay mid lagu nadiifinayo Musuqa iyo Been Abuurka halakeeyey Milliteriga Uganda.

Sannadkii 2011-kii, Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni ayaa amray in baaritaano lagu sameeyo Dhakhaatiirta Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kadib, markii Ciiddamo ku dhaawacmay Muqdisho ay su’aal ka keeneen Khibrad-xumida Dhakhaatiirta UPDF ee daawaynaysay.

updf

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor