Askar Ugandese oo ku dhaawacantay qaraxyadii lala beegsaday Xarunta AMISOM ee Muqdisho.

Afhayeenadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Kabtan Flavia Telimulungi ayaa sheegtay inay 2 Askari kaga dhaawacantay qaraxyadii mataanaha ee ay Alshabaab shalay la beegsadeen Xarunta ugu weyn ee Hawlgalka AMISOM.

Afhayeenadda oo Khadka Telefoonka kula hadashay Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayey tilmaamtay inay Askartaasi ku dfhaawacmeen, kadib, markii 2 gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday Askarta Uganda ee ilaalada ka haysay Albaabka weyn ee laga soo galo ee Saldhigga AMISOM ee Xalane.

Waxay intaasi ku dartay inay dhaawacyo fudud soo gaareen Askartaasi,waxayna beenisay inay Askar Ugandese ah ku geeriyoodeen Qaraxyadaasi.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Isqarxintii Mataanaha ee shalay subax lala beegsaday Xarunta AMISOM oo ay ku yaallaan Xafiisyadda QM, kuwa Hay’addaha Samafalka Caalamiga.

Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 15 qof oo ay ku jiraan Ciiddamadda AMISOM iyo Qandaraaslayaasha dhinaca Ammaaanka ee Xeradaasi. 

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media