Askar u dhalaty dalka Sudan oo lagu dilay Yemen.

Afhayeenka Milliteriga Sudan, Jeneral Ahmed Khalifa al-Shami ayaa sheegay  in 5 Askari looga dilay Iska horimaad ay Ciiddanka Isbahaysiga la galeen Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Waxa uu intaasi ku daray in 22-kale lagu dhaawecay iska-horimaadkaasi, inkastoo uusan sheegin goobta lagu dilay, laguna dhaawacay Askartaasi.

Dhinaca kale, Jeneral Ahmed Khalifa al-Shami waxa uu xusay in Maleeshiyadda Xuutiyiinta khasaaro xooggan ka soo gaaray dagaalkaasi, isla markaana ay ka qabteen Maxaabiis fara badan oo uusan Tiradooda sheegin.

Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo waxa qeyb ka ah Ciiddamo ka kala socda dalalka Sudan, Masar, Urdun, Moroko, Baxrayn, Qatar, Imaaaradka iyo Kuwayt, kuwaasi oo muddo 2 sanno dagaal kula jira Maleeshiyadda Xuutiyiinta.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa lagu dilay Dagaalka ka socda dalkaasi oo ay Macluul xooggan ka jirto.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media