Ugu yaraan 2 Askari ayaa la dilay, 2 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii la weeraray Gaarigii Gaashamanaa ee ay wateen, xilli ay marayeen Waqooyiga dalka Syria
Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka si degdeg ah uga fal-celiyeen Weerarkaasi oo socday ilaa xalay, iyadoo la duqeynayo goobaha ay Argagixisadu ku sugan yihiin.
Qoraalka waxaa lagu xusay in la weeraray Gaari noociisu ahaa Kirpi oo qeyb ka ah Hawlgalka Turkiga ka wadaan gudaha Turkiga, isla markaana ay ku shahiideen 2 Askari, halka 2 kale oo dhaawacmay la dhigay Isbitaalka.
Warbaahinta waxay soo werinayaan inuu weerarku ka dhacay Deegaanka Al-Baab ee Waqooyiga Syria, kana tirsan Gobal ay Ciiddanka Turkiga ka fuliyeen Hawl Milliteri sanadkii 2016-kii.
Deegaanka lagu weeraray Ciiddanka Turkiga waxaa horey looga saaray Dagaalamayaasha Kooxda Daaacish iyo kuwa Kurdishka YPG ee ku nool Syria.