Askar Masaari ah oo lagu dilay qarax miino.

Ilo dhinac Ammaanka dalkaasi ayaa lagu sheegay in 4 Askari lagu dilay qarax lala beegsaday Gaari Gaashaaman oo ay wateen Waqooyiga Gacan-biyoodka Siinaay, halkaasi oo ay Milliteriga kula dagaalamaan Maleeshiyo gacan-saar la leh Kooxda Daacish.

Maleeshiyadda ayaa la sheegay inay miino dhulka ugu aaseen gaariga ay Ciiddanka la socdeen oo marayey meel 20-KM ddhanka Koonfurta kaga toosan Degmadda Al-cariish ee kaabiga ku haya Badda Mediterranean-ka.

Khamiistii la soo dhaafay, 10-Askari iyo 15 Maleeshiyo ayaa lagu dilay Hawlgalo ka dhacay meel ku dhow Degmadda Cariish.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media