Askar Masaari ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay magaalladda Qaahira.

Dabley aan la aqoonsanin ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay weerareen Kolonyo gaadiid ay la socdeen Askar Bolis ah oo maraysay Jidka weyn ee Isku-wareegga ee magaalladda Qaahira.

3 Sarkaal ayaa lagu dilay, halka 5 kalena lagu dhaawacay, sida lagu sheegay hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciiddankaasi lagu weeraray jidka kala qeybiya Xaafadda Qaahirada Cusub iyo Mashruucaa Dhjismayaasha cusub ee isla magaaladaasi.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaasi, iyadoo Ciiddanka Ammaanka Masar dagaal kula jiraan Maleeshiyo gacan-saar la leh Kooxda Daacish, kuwaasi oo ku xooggan Gobalka Waqooyiga Siinaay.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media