Askar lagu weeraray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Maanta weerar ku qaaday ciidamo kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano minashiibiyada xili ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah degmada Dharkenleey ee Gobolkaan Banaadir.

Weerarkan ayaa waxaa ay waxyeelo ka soo gaartay Ciidamada Minashiibiyada oo Goob timajare ah Canshuur ka qaadayay,waxana halkaasi ku dhintay hal Askari halka Midkale uu dhaawac soo gaaray.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u sheegay in kooxdii falkaas geysatay ay goobta ka baxsadeen,waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo halkaasi ka qaaday meydka Askarigii dhintay iyo midka dhaawaca ah mana jirto howlgal ay sameeyeen oo ay dad ku soo qabteen.

Xaafada Suuqboocle ee degmada Dharkenley ayaa dhowr mar sidaan oo kale waxaa lagu dilay Askar kuwa Canshuurta qaada ah,waxaana noo suurtagelin xiriir aan la sameynay maamulka degmada Dharkeenley si aan wax uga weydiino dilka iyo dhaawaca Askartaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media