Iskahor kooban ayaa Galabta Agagaarka Tiyaatarka Qaranka waxa uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Meeleteriga Soomaaliya iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya iskahor imaadkaas oo dhaliyay khasaaro Nafeed.
Arintaan ayaa ayaa salka ku heysa xurguf u dhaxeysa Maanta Ciidamada Nabad-Sugida iyo kuwa Meleteeriga Soomaaliya taas oo maanta ka soo bilaabatay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Ilaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Nabad-Sugida ayaa la sheegay in ay ku geeriyooden dagaal kooban oo ka dhacay ka soo horjeedka tiyaatarka Qaranka,kuwaas oo hada yaala meydkooda agagaarka Tiyaatarka.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayean in Agagaarka Tiyaatarka ilaa Guriga Hooyooyinka ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya kuwaas oo la wareegay amaanka.