Askar Kenyan oo lagu dilay qarax ka dhacay J/Hoose.

Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Hoosingow  ee Gobalka J/hoose waxay sheegayaan inay Dagaalamayaasha Alshabaab qarxiyeen Gaari ay la socdeen Ciiddamo Kenyan oo Sahay u waday Ciiddankooda ku sugan qeybo ka mid ah Gobalkaasi.

Dadka Deegaanka Hoosingow ayaa sheegay inay maqleen Qarax weyn iyo Tacshiirad lala beegsaday Ciiddankaasi oo waday Sahay, kana soo gudbay Xuduudka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in miino nooca dhulka lagu aaso la kacday Gaari ay Askarta Kenya wateen, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 4-Askari, kuna dhaawacmeen dhowr kale.

Ilo kale ayaa xaqiijiyey in dhowr Askar Soomaali ah oo la socotay Kolonyadda Gaadiidka Kenya iyagana ku geeriyoodeen Qaraxa ka dhacay Deegaanka Hosingow.

Taliska Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia weli kama hadlin khasaaraha Askartooda ka soo gaaray qaraxa ay Alshabaab la beegsadeen Askartaasi.

©Radio Dalsan

.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media