Ashabaabkii saakayto weeraray Hotelka Saxafi oo watay Labiska iyo qoryaha u gaarka Ciiddanka Burundi ee Hawlgalka AMISOM.

Ku dhawaad 8 dagaalyahan oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab ayaa waxay Waaberigii hore ee saakayto qaraxyo iyo weeraro kula jarmaadeen Hotelka Saxafi oo ka mid ah Hotelladda ugu casriyeysan magalladda Muqdisho.

Weerarka oo isugu jira dagal toos ah iyo Is-qarxin ayaa waxa uu bilowday abaarihii 05:40 daqiiqo ee saakayto, wuxuuna dagaalku soo gaaray ilaa barqanimaddii, kadib, markii ay Ciiddanka Khaaska ee Gaashaan u itaal-sheegteen Dagaalamayaashii Alshabaab ee gudaha u galay Dhismaha Hotelka Saxafi.

Ilo ku dhowdhow Taliska Ciiddanka AMISOM ayaa waxay ishaareen in Labiska ay Dagaalamayaasha Alshabaab xirnaayeen uu ahaa Tuutaha u gaarka Ciiddanka Ugandhese-ka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Warar Xog-ogaal ayaa waxay sheegeen inay Labiska Tuutaha, Koofiyadaha   iyo qoryaha ay  wateen Dagaalamayaashii Alshabaab ee maanta lagu dilay Hotelka Saxafi ahaayeen kuwii ay Alshabaab ku soo furteen weerarkii ay bishii June 26-dii ee sannadkan ku qaadeen Saldhigga  Taliska AMISOM ee ay Ciiddanka Burundi ku lahaayeen Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.

Xarakadda Alshabaab waxay xilligaasi sheegeen inay Weerarkaasi  ku dileen ilaa 50-Askari, isla markaana ay Hub iyo Gaadiidka Dagaal ka qaateen  Xeradda Ciiddanka Burundi ee Degmadda Leego.

Dhinaca kale, WarbaahintaXarakadda Alshabaab, waxa maanta lagu soo bandhigay qaabkii uu  u dhacay dagaalkii Leego iyo maydadka Kontameeyo Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka  Burundese-ka ee lagu dilay  Saldhiggii AMISOM ee Deegaanka Leego.

© Radio Dalsan
BURUNDI 2 BURUNDI 3 BURUNDI 4 BURUNDI 5 BURUNDI 6 BURUNDI 7 BURUNDI 8 BURUNDI 9 BURUNDI 10

BURUNDI 15

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor