Ardayda Soomaalida iyo kuwa shisheeyaha oo laga manuucay inay wax ka bartaan Dugsiyadda Mandera

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in laga mamnuucay Ardayda Shisheeyaha iyo kuwa Soomaalida ee ka tallaaba xuduudka inay wax ka bartaan Dugsiyadda ku yaalla magaalladda Mandera ee W/bari Kenya.

Wasaaradda Waxbarashadda ee dalkaasi, ayaa maanta ku dhawaaqday in dhamaan Ardayda ka yimaada dalalka deriska, gaar ahaan kuwa Soomaalida loo oggolaan doonin inay wax ka bartaan Dugsiyadda ku yaalla Mandera.

Agaasimaha Waxbarashadda ee Mandera, Ismail Barrow ayaa maanta Xafiiskiisa kula hadlay Suxufiyiinta, waxaana uu sheegay in Xarunta Dhexe ee Wasaaradda W/barashadda ka soo baxday Wareegto lagu mamnuucayo Ardayda shisheeyaha ee wax ka baran jirtey Mandera.

Waxa kaloo uu tilmaamay in Ardayda shisheeyaha ee ka diiwaan gashan dugsiyadda loo oggolaan doono inay dhamaystaan W/barashadooda, iyadoo lala soconayo dhaqdhaqaaqooda.

“Waxaan ururinay xogaha Dugsiyadda ku yaalla Kenya, waxayna muujisay inay 890 arday shisheeye ah wax ka bartaan Dusgiyadda Hoose iyo kuwa Sare ee Kenya.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay inay Ardayda Shisheeye yihiin kuwo da’ yar oo doonaya inay Waxbarashadda ka sokow helaan Waraaqaha Dhalashadda Kenya, si looga diiwaan geliyo Shahaadada Kenya ee Waxbarashadda Asaasiga.

Xigasho: Daily Nation

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor