Arday u dhalatay Britain oo ku dhaqaaqday Cunto-ka-soomid ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda.
Dhaqdhaqaaqyahanadda Jaamacadda The University of Manchester ayaa sheegay inay Ardaydaasi oo ka kooban 5 qof bilaabeen gadoodkaasi Khamiistii la soo dhaafay, isla markaana ay cuntada af xirnaan doonaan ugu yaraan hal Toddobaad.
In ka badan 1,500 Maxaabiis Siyaasadeed o oReer Falastiin ah oo uu horkacayo Marwaan Barkhuuti oo ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda ayaa ku dhaqaaqay cunto-soomid ay kaga cabanayaan Tacadiyo ay kala kulmaan Maamulayaasha Yuhuudda.
©Radio Dalsan