Arday Somali oo wax ka barta dalka Malaysia oo la soo maxkamadeeyey

Ardaygaasi oo lagu magacaabo Abuubakar Bashir Nuur Geeddi ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Deegaanka Cyberjaya ee dalka Malaysia.

Eedeysanaha oo 23-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu haystay Lacago macmal ah, oo isugu jiray Dollar iyo Lacagta Rupees ee laga isticmaalo dalka Hidniya.

Eedeynta koowaad ayaa lagu sheegay in 100 Dollar oo macmal ah una dhiganta 370 Lacagta Malaysia uu isaga bixiyey kharaj uu ka cunay Baar ku yaalla Degaanka Cyberjaya oo u dhow Degmadda Sepang oo ku-dhawaad 450-KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur.

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu 400 Dollar oo Macmal ah iyo 5,000 oo Lacagta Hindiga ee Rupees ku raacay gaadiid.

Abuubakar Bashiir Nuur Geeddi waxa uu beeniyey labada eedeyn oo lagu soo oogay.

Turjumaanka Eedeysanaha ayaa Luqadda Englishka ugu sheegay Eedeysanaha in Sharciga Ciqaabta ee  dalka Malaysia , gaar ahaan qoddobkiisa 489 c uu dhigayo in qofkii lagu helo lacago been abuur uu muteysan karo xabsi ilaa 10-sanno ah.

Dhegeysiga Dacwadda ayaa la filayaa in dib loo qaado bisha July 2-da, iyadoo Eedeysanaha uu qabsanayo Garyaqaan isaga difaaca.

Dhinaca kale, Garsooradda Maxkamadda oo lagu magacaabo Nuurul Huda Idiris ayaa diiday in Eedeysanaha lagu sii daayo damiin, iyadoo u cuskatay inuu Baasaboorkiisa waqti hore uu xilligiisa dhacay.

Xigasho: thestar.com.my

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor