Arday Somali-Finnish ku biiri lahaa Kooxda Daacish oo lagu maxkamadaynayo London

Cubayd Xasan Jaamac oo ah Somali haysta Dhalashadda dalka Finland (Finnish), isla markaana Arday ka ah  Jamaacadda Middlesex University ee magaalladda London ee dalka Britain ayaa la soo taagay Maxkamadda Westminster Magistrates Court ee magaalladda London, iyadoo lagu soo oogay inuu ku biiri lahaa Kooxda Daacish.

Eedeysanaha oo 19-jir ah ayaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay la soo qabtay isagoo Diyaarad ka raaci lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Stansted airport ee magaalladda London, kuna sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Romania ee Bukharest, si uu uga sii raaco Diyaarad kale oo ku sii jeeday  dalka Turkiga.

Cubayd Xasan waxaa lagu soo oogay Dacwado ku aadan Isku-day uu ku doonayey inuu ku biiro Koox Argagixiso ah.

Eedeysanaha oo haysta Dhalshadda dalka Finland ayaa la sheegay inuu dalka Britain u soo guuray sannadkii 2010-kii, wuxuuna Aabihiisa kula noolaa K/bari magaalladda London.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda Westminster Magistrates Court waxa uu amray in Eedeysanaha lagu sii hayo Xabsiga, ilaa bishan February 19-da, oo mar kale la soo taagi doono Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor