Arday Somali British ku fashilmay inuu ku biiro Daacish oo waxbarashadiisa dib uga bilaabayo Jamaacad ku taalla Sudan

Dowladda Sudan ayaa baaritaano kadib iska sii daysay Saddex Arday oo ka tirsanaa Ardayda dhigata Jaamacadda Cilmiga Daawaynta iyo Teknoolaajiyadda (University of Medical Sciences and Technology) ee (جامعة مأمون   حميدة)  ee dalka Sudan, kuwaasi oo bishii Maarso ee la soo dhaafay u ambabaxay dalka Turkiga, si ay ugu sii  biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka  Syria.

Wargeyska Alsuudaanii (السوداني) ee ka soo baxa caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa qoray in Ardaydaasi uu ka mid yahay Muwaadin Somalia haysta dhalashadda dalka Britain, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Ilyaas.

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Sudan ayaa qabtay saddexdaasi arday oo wada haysta dhalashadda dalka Britain, kadib, markii ay Talaadadii hore laga keenay dalka Turkiga, laguna soo celiyey magaalladda Khartoun.

Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Sudan ayaa la sheegay inay Ardaydaasi baaritaano ku sameeyeen, waxaana saddexda arday la sii wada daayey maalintii Arbacadda ee isla  isbuucii hore.

Ardayda la sii daayey oo magacyadooda lagu soo kala koobay Ilyaas, Axmed iyo Zubaydah ayaa waxay dhamaantooda haystaan dhalashadda dalka Britain.

Dhinaca kale, U-qeybsanaha arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Cilmiga Daawada iyo Teknoolaajiyadda ee Maamuun Xamiida, Dr.  Axmed Baabakar ayaa u sheegay Wargeyska Alsuudaani (السوداني) inaysan jirin sabab Ardaydaasi loogu diido inay sii dhamaystaan Waxbarashadooda Heerka Jamaacdeed.

Si kastaba ha ahaatee, Arday badan oo wax ka dhigata Jaamacadaha Sudan ayaa lagu tuhunsan yahay inay ku biireen Dagaalamayaasha Daacish, sida ay Warbaahinta dalkaasi qoreen.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor