Arday Kenyaati ah oo ku dhaawacmay Isbuurasho ka dhalatay qarax ay u qaateen weerar Alshabaab

In ka badan boqol Arday oo dhigata Jaamacadda The University of Nairobi ayaa ku dhaawacmay isbuurasho ka dhacday Xarunta Jaamacadaasi, kadib, markii uu qarax sameeyey mid ka mid ah Baalayaasha Korantadda.

Qaraxaasi oo dhacay abaarihii afartii subaxnimo ee Waaberigii hore ee saakayto ayaa waxa uu sababay inay Ardayda u qaateen inay Xarakadda Alshabaab weerar ku soo galeen qeybta Kambaska ee Jaamacadda,

Qaar ka mid ah Ardayda ayaa la sheegay inay ka soo boodeen dabaqa lixaad ee Dhismihii ay jiifeen, halka ay kuwo kalena isku ciriiriyeen jaranjaradda Dhismahaasi.

Ku-dhawaad 100-arday ayaa ku dhaawacmay Isbuurashadda iyo booditaanka, waxaana haatan lagu daaweynayaa Kenyatta National Hospital, Saint Teresa iyo Karen hospital.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor