Arday dhigata Jamaacad ku taalla Galbeed Kenya oo cabsi ay ka qabaan Alshabaab darteed uga firxaday Jamaacadda

Boqolaal Arday dhigata Jamaacadda Daniel Arab Moi University ee Degmadda Eldoret ee Galbeedka Kenya ayaa baxsaday, kadib, markii ay ka baqdeen inay weerar soo qaadaan Arday horey ugu biirtay Xarakadda Alshabaab.

Afhayeen u hadlay Ardayda Jamaacadda ayaa sheegay inay Afar Arday oo dhigan jirey Jamaacadda ay maqan yihiin, lana tuhunsan yahay inay soo qaadi doonaan weerarkii ay Alshabaab horey ugu weerareen Jamaacadda Garissa, laguna dilay 146-Arday iyo labo dagaalyahan.

Ku-xigeenka Hormuudka Jamaacadda Moi University, Richard Mibey ayaa sheegay inay Ardayda maqan baqdin abuureen, wuxuuna xusay in Ciiddan Bolis oo aad u hubeysan la keenay Dhismaha Jamaacaddaasi.

Bilowgii bishan ayaa waxay Boliska Kenya ka digeen weeraro cusub oo ay Alshabaab soo qaadaan, marka ay bilowdaan Roobabka Al-nino.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor