Arday deeq Waxbarasho heshay oo Maanta loo qaaday dalka Suudaan

In kabadan 100-boqol Arday oo helay deeq Waxbarasho ayaa maanta u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan

Ardaydan oo tiradoodu ay tahay 115 arday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah iyo marti sharaf kale.

Ismaaciil Yuusuf Cismaan la taliyaha Wasiirka Waxbarashada ee dhanka xiriirka dibadda ayaa sheegay in ardayda ay yihiin kuwii ku guuleystay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan halkan ku sii sagootineynaa ardayda kaalimaha koowaad ka galay Imtixaamkii qaranka ee la qaaday sanad dugsiyeedka 2016-2017, tirada ardayda waa 115 arday, 90 waa wiilal halka 25 ay yihiin gabdho, waxaana ay soo baranayaan takhasuusyo kala duwan” ayuu yiri Ismaaciil.

Qaar ka mid ah ardayda kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqda ay ka heleen dowladda Sudan, iyagoo dowladda Federaalka uga mahadceliyay deeqda ay siisay iyo dadaalka ay Wasaaraddu u gashay inay u dhoofaan dalka Suudaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media