Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay Yumbis

Afar ka tirsan Saraakiisha Boliska Kenya ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo xalay lala beegsaday gaari ay wateen.

Saraakiishaasi ayaa waxay miinaddu kula kacday iyagoo ku sii jeeday Deegaanka Yumbis ee Gobalka Faafi ee W/bari Kenya.

Madaxa Ammaanka ee Faafi, Geofrey Taragon ayaa xaqiijiyey shilkaasi, wuxuuna beeniyey warar horey u sheegay inay Saraakiishaasi geeriyoodeen.

Waxa uu intaasi ku daray markii ay Saraakiishaasi gaareen Deegaanka Yareey oo u dhow Yumbis ay la kulmeen qarax ka dhashay miino lagu aasay bartamaha waddada ay ku safrayeen.

Saraakiishaasi ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Xarunta Faafi, kuna sii jeedeen Degmadda Amuuma oo ku taalla xuduudka Kenya la wadaagto dalka Somalia.

Dhinaca kale, Tuuladda uu qaraxu ka dhacay ee Yumbis ayaa waxaa labo maalmood ka hor tegay  Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab, oo halkaasi ku sugnaamuddo dhowr saacadood, iyagoo Calanka Alshabaab ka qotomiyey Tuulladaasi.

©Warqabadka Dalsan Media

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor