Warbixinta JFJ: Yaa ku lug leh Hawlaha Ciiddanka Kenya ee Sonkorta Kontorobaanka ?

Dukumentiga muranka dhaliyey ee ay Kooxda Suxufiyiinta Caddaalad-doonka   “Journalists for Justice” soo saareen ayaa waxa uu daaha ka rogay inay Madax badan oo Kenyaan ah  ku lug leeyihiin Hawlaha qarsoodiga ee Ciiddanka Kenya ku daabulaan Sonkorta Kontorobaanka.

Warbixinta oo loogu magac daray “Black and White” ayaa ka kooban 40-bog ayaa waxaa si aad ah loog hadlay Hawlaha Ciiddanka Kenya ee Kontorobaanka  Sonkorta iyo Tacadiyadda duqeynta, dilalka iyo kufsiga ee ay ku kacaan.

Warbixinta waxaa si faahfaahsan loogu sheegay inay Ilo ka tirsan Ciiddanka Kenya, Barlamaanka iyo Safaaradaha Shisheeyaha ayaa u sheegay JFJ inay Saraakiil sarsare madax ka yihiin Shabakadda Tahriibinta Sonkorta Kontorobaanka, kuwaasi oo ay ku jiraan Taliyayaasha Ciiddanka Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Waxaa Shabakada madax ka ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ciiddanka Kenya, iyadoo xubnaha kale ee muhiimka ka kala tirsan yihiin Aqalka Madaxtooyadda Kenya, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo  Waaxda Socdaalka Kenya.

Waxaa Badbaadinta iyo Xeeladda Iskaashiga ee Shabakadda ka hela macaash   Guddiga Fulinta iyo Barlamaanka Kenya.

Tuducda Warbixinta ee looga hadlay Qoddobkaasi waxay u qornayd sidatan:

Sources from within KDF, parliament and foreign embassies all described to JFJ a situa-tion in which a high ranking military official is at the head of a smuggling network which includes commanders of KDF forces within AMISOM, key figures in the Ministries of Defence, Immigration and State House and that this network enjoy the protection and tacit cooperation of leaders at the highest echelons of the Executive and the National Assembly.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Somalia iyo Eritrea (UN Monitoring Group) ka war hayaan, iyadoo Sarkaal ka tirsan QM u sheegay   Qorayaasha warbixinta ee “Journalists for Justice” inay la socdaan arrinkaasi, balse aysan ka hadlin, maadaama uu Guddigu xarun ku leeyahay magaalladda Nairobi.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay  Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Somalia iyo Eritrea soo saareen Bishii October ee la soo dhaafay ayey ku dul-mareen Eedeymahaasi, inkastoo ay ku dheeraadeen dabagalka ay ku hayaan Dakhliga Alshabaab ka helaan Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.

Dareewaladda Gaadiidkaasi, Xamaaliga Dekedda Kismaayo iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka oo la hadlay Kooxda “Journalists for Justice” ayaa sheegay  in 150,000 oo Tan oo Sonkor si Kontorobaan ah lagu geliyo Kenya sannadkiiba, iyadoo ay 100 gaari bishiiba ka gudbaan Xuduudka Libayo iyo Amuuma.

Waxaa kaloo Warbixinta lagu sheegay in Ciiddanka Kenya, Maamulka Jubba iyo Xarakadda Alshabaab ay halkii Loor o oSonkor oo ka soo dega Dekedda Kismaayo ka qaataan 2-dollar, taasi oo micnaheedu yahay inay koox kasta Toddobaadkii saami u hesho 250,000 oo Dollar .

Dhinaca kale, Warbixinta waxaa lagu shegegay inay QM iyo Dowladaha Maraykanka iyo Britain ka walaacsan yihiin Hawlaha Kontorobaanka ee ay ku lug leeyihiin Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Waxayna xadgudubkaasi u arkaan mid ka hor imaanayo Cunaqabataynta QM iyo Sharciga u degsan Dowladda Kenya.

Warbixinta JFJ oo dhamaystiran ka akhriso Link-gan:  See more at: http://www.jfjustice.net/en/about-us/exactly-what-are-kenyan-forces-doing-in-somalia#sthash.YnJZWx3R.xSMlsOQ5.dpuf

KDF 1

 © Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor