Aqalka Cad ee Maraykanka oo ka hadlay duqeyntii Xeradda Alshabaab ee Raaso.

Xoghayaha Warfafainta ee Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, Josh Earnest ayaa ku tilmaamay weerarkaasi Tusaale Wanaagsan u yahay qaabka ay Milliteriga ula shaqeyn karaan Saaxiibadda Gudaha si horumar looga gaaro Ammaanka.

Josh Earnest waxa uu Weriyayaasha ugu sheegay magaalladda Washington in duqeyntaasi looga dan leeyahay sidii lagu naafayn lahaa Dhaqdhaqaaqyada ay Alshabaab ka wadaan gudaha dalka Somalia ee ay dad cusub ku qoranayaan, ku dhisanayaan Saldhigyo iyo inay qorsheeyaan Weeraro ka dhan ah Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku adkeystay inay muhiimadooda koowaad tahay sidii looga hortegi lahaa inaysan dadka rayidka waxyeelo ka soo gaarin  Duqeymaha lala beegsanayo Alshabab.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab u adeegsan karaan haddii dad rayid waxyeelo soo gaarto Borbogaando ay ku heli karnaa xubno cusub oo ku soo biira Alshabaab amaba inay abuuraan Olole ka dhan ah Maraykanka.

Duqeyntii Sabtida lagu qaaday Xeradda Tababarka Raaso ee duleedka Buulo-burte waxay ku soo beegantay iyadoo Maamulka Madaxweyne Barack Obama qorsheynayaan in  aad loo yareeyo khasaaraha ka dhasha duqeymaha Droneska ee laga fuliyo meelaha ka baxsan Goobaha loogu yeero Deegaannadda Dagaalka.

La-taliyaha Madaxweyne Obama ee La-dagaalanka Argagixisadda iyo Ammaanka Gudaha Maraykanka, Lisa Monaco ayaa sheegtay in Isbuucyadda soo socda la soo bandhigi doono Tiradda Guud ee Khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi tan iyo markii uu Madaxweyne Obama la wareegay Xafiiska.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor