Aqalka Cad ee Maraykanka oo difaacay Go’aankii Madaxweyne Donald Trump ku casuumay dhigiisa dalka Filibiin.

Afhayeenka Aqalka Cad, Reince Priebus ayaa u sheegay Telefishinka ABC in casuumaadaasi kaalin ka qaadanayso Iskaashi lagu doonayo in lagala hortago Waqooyiga Kuurya.

Madaxweyne Trump waxa uu habeenkii Sabtida casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Filibiin, Rodrigo Duterte  si uu u soo booqdo magaalladda Washington, kadib, markii uu Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un ku sifeeyey nin doonaya inuu Dunida haligo.

Madaxweynaha Filibiin waxay Hay’adaha Caalamiga ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ku eedeeuaan inuu taageero Ololaha dilalka aan sharciga ahayn ee loo geystoEedeysanayaasha ka ganacsada Daroogada ee dalkiisa.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media