Amniga Magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay

Ammaanka Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa aad loo adkeeyay iyada oo ay Magaalada ku qulqulayan Ergada ka qeybgali doonta Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Dhawaan ayaa la filayaa in uu shirkasi ka furmo Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.

Saxafiyiinta Dalsan ayaa soo sheegaya in Magaalada laga dareemayo qaban qaabada Shirka oo ay si toos ah u soo gudbin doonto Idaacada Dalsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor