Amnesty International oo cambaareysay Go’aanka ay Kenya ku xirayso Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ee ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda London ayaa ka digtay khatarta ka soo fool leh Kumanaanka kun ee qof ee Birri-ma-geydada ah ee ku nool Xerooyinka Qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma.

qaxootiAgaasime-gobaleedka Hay’addaasi ugu qaabilsan Bariga Afrika, Geeska iyo Harooyinka waa weyn, Muthoni Wanyeki ayaa sheegtay inuu go’aanka Dowladda Kenya muujinayo taxadir la’aan waajibkii ka saarnaa badbaadinta dadka Qaxootiga, isla markaana ay khatar gelinayso nolosha Kumanaanka Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xerooyinkaasi.

Waxay intaasi ku dartay inuu Go’aankaasi horseedi karto inay Kumanaan Qaxooti Soomaali si aan iskooda ahayn ugu laabtaan Somalia ama dalalka kale, halkaasi oo ay khatar ku geli karto noloshooda.

Qeylo-dhaanta ayaa timid, kadib, markii ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya shalay ku dhawaaqday inay albaabadda u laabayaan Xerooyinkaasi sababo dhinaca Ammaan-xumida iyo cabsi ay ka qabaan Kooxda Alshabaab.

QM ayaa sheegtay inay Xerada Dhadhaab ku nool yihiin ku-dhawaad 600,000 oo Qaxooti, halka saddex xero ee kalena ku jiraan 90,000 oo Qaxooti ah.

Ma cadda sababaha ay Dowladda Kenya shalay ku shaacisay in la xirayo Xeryahaasi, balse go’aankaasi ayaa laga yaabaa inuu xiriir la leeyahay weerarkii Fashilmay ee ay Kooxda Daacish doonayeen inay adeegsadaan Sunta Antarakiska

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor