Amnesty International oo cambaaraysay qorshaha Dowladda Holland  ku soo masaafurinayaan Soomaalida la diido codsiyadooda.

Agaasimaha Hay’adda Amnesty International uga wakliilka ah dalka Holland, Edward Nazarsaki ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee Nu.nl inay Dowladda Holland iyo qaar ka mid ah Xisbiyadda Siyaasadda weli ku hawlan yihiin sidii loo soo masaafurin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee laga diiday CodsuyadoodaMagangelyo-doonka ee dalkaasi.

Edward Nazarsaki waxa kaloo uu ku eedeeyey Xisbiyadda VVD iyo CDA inay wiiqayaan Qiimaha furaha u ah NoloshaAadanaha, isla markaana taageeraan sidii loogu durdurin lahaa Heshiisyadda Caalamiga ee Qaxootiga.

Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda Amnesty International waxaa kaloo lagu naqdiyey Xaalladaha adag ee ka jira Xarumaha lagu hayo Qaxootiga iyo Tallaabadda ay Xukuumadda Holland ku sii wado isku-daygeeda ku aadan inay masaafuriyaan Soomaalida la diiday Codsiyadooda Qaxootinimo.

Hay’addaha Amnesty International iyo UNHCR waxay ka horjeedaan in xaalladaha qaarkooda in la  masaafuriyo Soomaalida ka soo jeeda Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ay Alshabaab ku sugan yihiin.

Amnesty International, waxay kaloo sheegtay inay Xukuumadda Holland ku fashilantay inay dhowraan Heshiiska Golaha Europe ee Xuquuqda Bulshadda “The European Committee of Social Rights” oo qeexayo in si shuruud la’aan qaxootiga loo siiyo hoy iyo waxyaabaha kale ee lama huraanka ah.

Maxkamadda Sare ee dalka Holland waxay bishii November ee sannadkii hore xukuntay inaysan Golayaasha Degmooyinka siin karin sarriiro iyo adeegyo kale Qaxootiga diida inay iskaashi ka muujiyaan si loo masaafuriyo.

AInl2

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor