Amnesty: Hub ay Maraykanka iyo Britain u gudbiyaan Sacuudiga oo loo adeegsado Dagaalka Yemen.

Qoraal ka soo baxay Hay’addaasi oo Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda London ayaa lagu sheegay inay Dowladaha Maraykanka iyo Britain ka iibiyeen Sacuudiga hub qiimihiisu ka badan yahay 5 Billion oo Dollars tan iyo markii ay Isbahaysiga Sacuudiga farageliyeen dalka Yemen bishii March ee sannadkii 2015-kii.

Amnesty International waxay xustay in Kharajkaasi 10-jeer ka badan yahay Taageeradda Samafaka ee la gaarsiiyey dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Yemen.

In ka badan 7.700 o oqof ayaa lagu dilay weerarka ay Isbahaysiga Sacuudiga ka wadaan Yemen, iyadoo 40,000 ooa kalena lagu dhaawacay.

QM ayaa sheegtay in 7 million oo Yemeniniyiin ah soo food saartay Gaajo iyo Macluul Daran oo ka dhalatay Dagaalladda weli ka socda dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media