Ammaanka Garoomadda Diyaaradaha Kenya oo la adkeeyey, xilli laga baqanayo inay Alshabaab isqarxin ka geystaan.

Sirdoonka Kenya ayaa ka digay inay jiraan cabsi laga qabo inay Alshabaab qaraxyo la beegsadaan Diyaaradaha iyo Garoomadda Kenya.

Qoraal gudaha ayaa muujinaya in ilaa 11 Is-qarxiyayaal Alshabaab oo la soo tababaray  diyaar u yihiin inay fuliyaan Hawlgalkaasi.

Sida laga soo xigtay qoraal ka yimid Maamulka Ammaanka ee Garoomadda Diyaaradaha Kenya ayaa lagu sheegay in qorshaha Weeraradaasi lagu aadinayo  bilowga bisha soo socota ee Maarso, lagana cabsi qabo in bartilmaameed laga dhigto duullimaadyadda Diyaaradaha ee gudaha Kenya.

“Weeraradda Alshabaab waxay badankooda beegsan karaan Duullimaadyadda Gudaha, iyagoo iska dhigayo Rakaab si ay isku qarxiyaan xilliga ay Diyaaradaha soo caga-dhiganayaan” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi oo uu ku saxiixnaa Madaxa Ammaanka Garoomadda Diyaaradaha Kenya, Eric Kiraithe.

Waxa uu diiday inuu faahfaahiyo xilliga  ay soo gaareen qoraalkaasi oo ka digay in weeraradda ay Alshabaab la maagan yihiin Garoomadda Diyaaradaha Kenya naafeyn doonaan Hawlaha Garoomadda iyo qalabka ku rakiban

Warbixinta oo  maanta lagu daabacay Wargeyska The Sandard ee ka soo baxa Nairobi waxaa lagu xusay in Koox ka kooban 11 qof oo Is-qarxiyayaal ku soo qaateen gudaha Somalia tababaro la xiriira sida loo qaadi kara Hawlgaladda Isqarxinta ee Diyaaradaha.

5 ka mid ah Kooxdaasi ayaa la sheegay in loo xil-saaray inay beegsadaan Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ama Garoonka kale ee Wilson Airport oo ku wada yaalla magaalladda Nairobi, halka 6-da kalena diiradda saari doonaan Garoomadda ku yaalla Gobalka Xeebta oo uu ka mid yahay Garoonka Moi International Airport oo ku yaalla magaalladda Mombasa.

Digniintan ayaa timid, dhowr maalmood kadib, markii uu Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ka dhawaajiyey inay cabsida Alshabaab weli taagan tahay, isla markaana weli indhaha ku hayaan weeraro ay ku soo qaadaan Xarumaha Ammaanka, bar-tilmaameedyadda jilicsan ee  Goballadda W/bari, Xeebta iyo magaallooyinka waa weyn.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor