Ammaanka Garoomada Diyaaradaha ee Kenya oo la adkeynayo.

Xilli laga baqanayo Weeraro ay Alshabaab ka geystaan Garoomadda Diyaaradaha ee dalkaasi ayaa waxaa si rasmi ah amar loogu bixiyey in la adkeeyo Garoomadaasi.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Dalxiiska ee Kenya, Joseph Nkaissery iyo Najib Balala waxay si wadajir ah u soo saareen Hadal-qoraal oo ay ku muujiyeen inay Dowladda qaaday Kontoroolka Ammaanka si dedeg oo Karti iyo Hufnaan leh.

Tallaabadaasi ayaa timid, kadib, markii Dukumeti qarsoodi ah lagu muujiyey inay jiraan 11-dagaalyahanno Alshabaab qorsheynaya inay Diyaaradaha Rakaabka u adeegsadaan weeraro ay ku qaadaan Garoomadda Diyaaradaha ee ku yaalla gudaha Kenya.

Digniintaasi ayaa markii dambe hoos loo dhigay, iyadoo la sheegay inaysan jirin cabsi noocaasi ah.

Alshabaab ayaa qorsheynayso weeraro ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, sida uu dhawaan shaaciyey Madaxa Alshabaabka ka dagaalamaya gudaha Kenya, Axmed Iimaam Cali.

©Radio Dalsan