Ammaanka D/Baraawe oo la adkeeyay Iyo Masuuliyiin ku wajahan

Ammaanka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana ku wajahan wefdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxeeynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo Masuuliyiin kale ayaa la filayaa in ay Maanta tagaan Magaalada Baraawe,iyada oo  qaban qaabada soo dhaweynta Wefdiga laga dareemayo Baraawe.

Warar at heshay  Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in u jeedada Shariifka Iyo wefdigiisa ee Baraawe ay tahay sidii xal looga gaari lahaa khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka degmada iyo waxgaradka Degmada Baraawe.

Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Wadooyinka Waaweyn ee Baraawe Ciidamo la dhigay,sidoo kalena uu jiro diyaar ku Aadan soo dhaweynta wefdiga.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa markii uu tago Baraawe la kulmi doona Masuuliyiinta Maamulka degmada Iyo Odayaasha Dhaqanka,isaga oo kala hadli doona xalainta khilaafka jira.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media