Ammaanka Barlamaanka dalka Kenya oo la adkeeyey , kadib, markii la qabtay nin lagu tuhmay inuu qarax geysan lahaa

Afhayeenka Barlamaanka Kenya, Justin Muturi ayaa ku dhawaaqay Nidaam cusub oo lagu sugayo Ammaanka Guud ee Barlamaanka dalkaasi, labo maalin kadib, markii la qabtay nin ka tirsan Shaqaalaha Senetadka oo lagu magacaabo Ali Abdimajiid, kaasi oo lala xiriirinayo inuu gacansaar la leeyahay Xarakadda Alshabaab.

Afhayeenka  waxa uu uga digay Xildhibaanadda inaan la oggolaan doonin in  dadka soo booqanayo gudaha Dhismaha Barlamaanka iyo in lala soo galo gaadiidka.

Amarkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo mid ka mid shaqaalaha Senedka dalkaasi oo lagu magacaabo Ali Abdimajid lagu soo oogay inuu qorsheynayey inuu qarax ka geysto dhismaha Barlamaanka Kenya.

Eedeysanaha oo muddo 10 sanno shaqaale ka ahaa Barlamaanka dalkaasi ayaa waxaa horey magaciisa loogu xusay Warbixin ay QM horey u soo bandhigeen

Ciiddanka Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda ee (ATPU) ayaa la sheegay inay weli baaritaano ku hayaan Eedeysanaha Ali Abdimajiid oo haatan ku xiran Saldhigga Boliska ee Kilamani.

Ciiddanka waxay kaloo ku eedeeyeen Eedeysanaha inuu qorsheynayey weeraro loo geysto shan dhismo oo ku yaalla magaalladda Nairobi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor