AMISOM. QM iyo Ciiddan ka socda Britain oo ka wada hadlay xal ka gaarista Qaraxyadda Miinooyinka ay Al-shabaab adeegsadaan

Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS waxaa loo furay Shirweyne looga arrinsanayo sida xal loogu heli karo qaraxyadda Miinooyinka ee ay Alshabaab adeegsadaan.

Shirweynahaasi oo socon doona muddo 3 maalmood ayaa waxaa uu si wadajir ah isugu keenay Wakiilo ka kala socda QM iyo Ciiddamo u dhashay dalka Britain, kuwaasi oo si qoto dheer uga hadlaya cabsida sii kordhaysa iyo khatarta qaraxyadda Miinooyinka ee nooca IEDs.

Shirweynahaasi waxaa taabagelinaysa Hawlgalka QM ee Taakuleynta Somalia ee UNSOM, waxaana looga dan leeyahay sidii loo horumarin lahaa horumarinta Awoodaha ka-hortagga Qaraxyadda ee gudaha Somalia.

Shirweynahaasi waxaa ka hadlay Taliyaha Guud ee Hawlgalka AMISOM, Jeneral Osman Nuur Subagleh, Wakiilka Midogw Afrika ee Somalia, Ambassador Francisco Madeira iyo Taliyaha Ciiddanka British ee ku sugan Somalia, Kolonel John Wakelin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media