Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo Ciidanka Booliska ka hor bixitaankooda

Taliska Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ayaa sheegay in ay sii kordhinayaa tababarada la siinayo saraakiisha iyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkan 2018,si ay Amisom ugala wareegaan amniga guud ee dalka,taasi oo qeyb ka ah go’aankii horey uga soo baxay Golaha Ammaanka ee QM ee ahaa in Amisom ay ku wareejindoonta amniga Dalka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Kuxigeenka wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Simon Mulongo oo magaalada Muqdisho abaalmarino ku gudoonsiinayay saraakiil kamid ah booliska Amisom oo waajibaadkoodi gudanayay,ayaa munaasabadaasi ka sheegay in ay wadaan qorshe ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada ciidanka booliska Soomaaliyeed,taasi oo sahlaysa in ay amniga dalka kala wareegaan Amisom.

“sanadkani waxaana doonaynaa in aanu xoojino tababarada iyo dhiirogelinta  ciidanka booliska Soomaaliyeed,si kor loogu qaado heerka ahaatan ay taagan yihiin,heer federaal iyo heer dowlada goboleedba,waxaana diiradda saaraynaa si tayada loo xoojinayo nuuca tababarada ah oo ay u baahan yihiin ‘, Ayu yiri Simon Mulongo .

Simon Mulongo oo ah ku xigeenka Wakiilka  Amisom ee Soomaaliya ayaa ku amaanay ciidamada booliska Amisom gaar ahaan qeybta ka socota Dalka Nigeria oo kusugan Soomaaliya dowrka ay ka qaadanayaan wadashaqeynta kala dhexeysa ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay ka sacidiin dhankasta,si ay waajibaadkoodi ugu gutaan si hufan.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media