AMISOM oo Xalay 6 qof ku dishay Magaaladda Marka

Ugu yaraan 6 qof oo shacab ah ayaa Xalay ku dhintay Howlgal ay sameeyeen Ciidamadda AMISOM kadib markii lala eegtay Mid kamid ah gawaaridooda Qarax Xoogan.

AMISOM ayaa si ku talo gal ah Rasaas ugu furtay dad shacab ah oo ku sugnaa Xalad Aroos oo ka dhaceysay Magaalada Marka.

Waa markii labaad oo ay Ciidamadda AMISOM dad shacab ah ay ku dilaan Marka waxa ayna bishii hore toogasho ku dileen 16 ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.

AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin Dadka Xalay lagu laayay Magaaladda Marka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor