AMISOM oo soo dhaweysay Dhismaha Xafiiska cusub ee QM ee Taageeradda Somalia (UNSOS).

 

AMISOMMajor General Fidza Dludlu oo ah Sarkaalka Fulinta AMISOM, isla markaana matalayo Ergayga Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ee Somalia (SRRC), ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Go’aankii ay Golaha Ammaanka ee QM ugu codeeyeen Dhismaha Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia “The United Nations Support Office for Somalia (UNSOS).

Major General Fidza Dludlu waxa uu tilmaamay inuu Hawlgalku u muuqdo mid horey u soconayo, lana muujiyey Waajibaadka Shaqo ee AMISOM sidii loo naafeeyo waxa uu ugu yeeray Caddowg iyo in dib loo soo celiyo Nabadda iyo Ammaanka Somalia.

Xafiiska cusub ee UNSOS waxa uu haatan taageera 22,126 Askari oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM, wuxuuna Xafiisku taageeri doonaa 10,900 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee,  Shir Heer Wasiir oo ay 15-ka xubnood ee Joogtadda ee Golaha Ammaanka ee QM  xalay soo saareen Qaraar Tirsigiisu yahay 2245, kaasi oo lagu dhisay Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia (UNSOS), waxaana daaqadda laga tuuray Xafiiskii QM ee Taageeradda AMISOM (The United Nations Support Office for AMISOM ee UNSOA.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor