AMISOM oo sheegtay inay u bahaan yihiin Taageero Dhaqaale Xilliga Doorashooyinka Somalia.

Madax ka kala socotay QM, Midowga Afrika iyo Hawlgalka AMISOM ayaa Kulan Khaas ah ku yeeshay magaalladda Muqdisho, oo ay kaga wada hadleen Qorshaha Hawlgalka AMISOM.

Madaxda Midowga Afrika waxay ka codsadeen QM inay mudnaanta siiyaan sidii taageero Dhaqaale loogu fidin lahaa Hawlgalka AMISOM.

Kulankaasi waxaa ka qeyb galay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating, Madaxa Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da, Ismaaciil Chergi iyo Ergayga AU-da ee Somalia iyo maas’uuliyiin kale.

Ismaaciil Chergi ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in taageero Dhaqaale loo fidiyo AMISOM, iyadoo ay food ku soo hayaan Doorashooyinka Somalia la filayo inay ka dhacaan bisha August ee sannadkan.

Ismaaciil Chergi oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Algeria waxa uu bartiisa Twitterka ku sheegay in ay Midowga Afrika diyaar u tahay inay hubaal ka dhigto in 25% Miisaanyadeeda loo adeegsado Hawlgalladda Nabadad iyo Ammaanka.

Waxa uu intaasi ku daray in QM laga filanayo inay 75% ku soo biirayaan Qaaraankaasi.

Kulanka Madaxda QM iyo Midowga Afrika waxaa intiisa badan looga hadlay Qorshaha soo socda ee Deganaanshaha Somalia  xilliga doorashooyinka.

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor