AMISOM oo sheegtay inay Saraakiil ka tirsan Alshabaab ku dileen weerar ka dhacay Sh/hoose.

Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuna sugan Degmadda Qoryooley ayaa sheegay inay iska waabiyeen weerar at Alshabaab ku soo qaadeen Saldhigooda maalmihii la soo dhaafay.

Sarkaalladda Ciiddanka Uganda ugu qaabilsan dhinaca Xiriirka Dadweynaha, Kabtan Falavia Terinulungi ayaa sheegtay inay ayaa sheegtay inay iska caabiyeen labo weerar oo ay Alshabaab ku soo qaadeen Saldhiga AMISOM ee Qoryooley.

Wareysi ay siisay Wargeyska New Vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala, ayey ku  sheegtay inay weeraradaasi ku dileen Labo Sarkaal oo muhiim u ah Alshabaab, oo ay magacyadooda ku kala sheegtay Mohamed Farwar iyo C/raxmaan Bakayle oo ay tilmaameen inuu ahaa Madaxa Alshabaab ugu qaabilsan dhinaca Sirdoonka ee magaalladda Marka, waa sida ay hadalka u tiri.

Waxay kaloo sheegtay inay nolol ku qabteen Sarkaal kale oo ay magaciisa ku sheegtay C/qaadir Maxamed, kaasi oo ay tilmaamtay inuu la socday C/raxmaan Bakayle.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka AMISOM ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Sam Okiding ayaa sheegay inay sii wadayaan Hwalgalladda ka dhanka ah Alshabaabka ku sugan Gobalka Sh/hoose, waa sida uu hadalka u yiri.

©Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor