AMISOM oo sheegtay inay baarayaan dadka rayidka ee ay Ciiddanka Ethiopia ku dileen duleedka Ceel-buur.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay inay baarayaan Eedeymaha sheegay inay Ciiddanka Ethiopia dileen ugu yaraan 7 qof, kadib, markii ay AMISOM iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ku dagaalameen halkaasi Arbacadii la soo dhaafay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka AMISOM oo ku sii jeeday magaalladda Ceel-buur ay Dagaalamayaasha Alshabaab jidka u galeen, halkaasina ay labada dhinac isweydaarsadeen noocyadda hubka.

Hadalka ka soo baxay AMISOM ayaa yimid, iyadoo la sheegay inay Ciiddanka Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ay 7 qof kpp rayid ah u toogteen Deegaanka Daac ee duleedka Ceel-buur.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo Ciiddanka Dowladda Ethiopia lagu eedeeyo inay dad rayid ah ku dileen Goballo ka tirsan Somalia.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor