AMISOM oo sheegtay in ka guuleysan karaan Alshabaab haddii ay dadka taageeraan AMISOM

Taliyaha Guud ee Hawlgalka AMISOM, Jeneral Jonathan Rono ayaa hadalkaasi ka shegay mar uu maanta booqasho ku tegay Taliska Ciiddanka Ethiopia ee qeybta 3aad ee  Hawlgalka AMISOM, kuna sugan magaalladda Baydhabo.

Waxa uu kulan la yeeshaay Taliyaha Ciiddanka Ethiopia ee Qeybta Saddexaad ee Goballadda Bay, Bakool iyo Gedo, Kolonel Yemane Gabre Mikael iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM.

Kolonel Yemane Gabre Mikael waxa uu sheegay inay Ciiddankiisa ku guuleysteen Hawlgalkooda, isla markaana ay la wareegeen Deegaano ay horey u joogeen Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inay ku guuleysteen sidii Alshabaab looga saari lahaa Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor oo uu tilmaamay inay Alshabaab u lahaayeen Istaraartijiyad muhiim ah.

“Dadka ku nool Baardheere iyo Diinsoor waxay haatan ku nool yihiin Nabad, waxayna ku soo biireen Hawlgalka aan kula dagaalamayno Alshabaab” ayuu yri Kolonel Yemane Gabre Mikael.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Hawlgalka AMISOM, Jeneral Jonathan Rono waxa uu ammaanay Horumarka ay Ciiddanka Ethiopia ka sameeyeen Goballadda ay ka mas’uulka yihiin, wuxuuna si gaar ah u ammaanay Kooxda Miino-baarista Ciiddanka Ethiopia oo uu tilmaamay inay badbaadiyeen dad badan oo khatar ugu jiray miinooyinka dhulka lagu aaso ee Improvised Explosive Devises (IED).

Taliyaha waxa kale oo uu kulan la qaatay Wasiiradda Ammaanka, Hub-ka-dhigista iyo Dhaqan-celinta ee Dowlad-gobaleedka K/Galbeed Somalia, oo ay ka wada hadleen Xaalladda Ammaanka iyo Wada shaqeynta Dowlad-gobaleedka iyo Taliska AMISOM.

Safarkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay dhowr maalmood kadib, markii uu Madaxweynaha K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan walaac xooggan ka muujiyey Ammaanka jidka isku xira Baydhabo iyo Muqdisho, isagoo tilmaamay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan Hawlgalo qorsheysan.

© Dalsan Radio                

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor